| Xildhibaan eedeeyay duqeynta AMISOM ay ka geystaan Magaalada Muqdisho. |
|
|
|
| Written by Mumin Warfaa |
| Tuesday, 25 May 2010 22:19 |
|
Mudane ka tirsan Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay duqeynta ay ku le’anayaan dadka shacabka ah ee ciidamada AMISOM ay ka geystaan Magaalada Muqdisho. Xildhibaan Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo ka tirsan mudanayaasha Barlamanka oo wareysi gaar ah siinayay Shabelle ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay duqeymaha ciidamada AMISOM ay u geystaan goobaha ay ku badanyihiin dadka shacab ah ee Magaalada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka ku waxyeelooba duqeymahaasi ay masuuliyadeeda qaadi doonto dowladda KMG Soomaaliya madaama sida uu sheegay ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay si micno daro ah u leynayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku haray Magaalada Muqdisho. Waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay duqeyn xoogan u geystaan goobaha ay ku jiraan hantida shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay Ciidamada AMISOM iyo dhaq dhaqaaqyada islaamiga ee la dagaalamaya inay u taraan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa uu tilmaamay xildhibaan Tarsan in cid kasta oo masuuliyada heysa maalin maalmaha ka mid ah lala xisaabtamo doono islamarkaana la is weydiin doono cidii dambi ka kashaaa dadka Soomaaliyeed, Soomaaliyana sida uu sheegay aysan ka hari doonin, waxaana uu ku baaqay in la dhowro xaquuqda aadanaha. Dowladda KMG ee Soomaaliya ayuu ugu baaqya xildhibaanku in ay ka tanaasusho wax walba oo dhibaato u horseedi kara umada Soomaaliyeed maadaama sida uu sheegay masuuliyada shacabka Soomaaliyeed ay haatan iyadu sheeganayso. “Madhihi karto dowladu madfacbaa inagoo arkeyn halkaasi laga soo ridey, inaguna waan u jawaabnay, waa in ay masuuliyadaasi ilaalisaa, qofka dhintaana waa in la ogaadaa asbaabta uu ku dhintay, hal qof oo dhinta ayaa aduunka laga qeylinayaa inagana maalin kasta 20 ayaa muqdisho inooga dhimata kuwaasi oo aan dagaal ku jirin, oo waxey ku dhintaan aan la ogeyn, taasina waa mid qalad ku ah xaga shareecada islaam iyo dhinaca xaquuqda aadanaha” ayuu yiri Xildhibaan Tarsan. Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xili maalmihii la soo dhaafay duqeyn xoogan oo qasaare nafeed geysatay lagu garaacay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Xigasho Shabelle.net 25/5 |





