Dagaalada aanan loobaahnayn ee Galgaduud PDF Print E-mail
Written by Mumin Warfaa   
Wednesday, 02 June 2010 17:57

Waxaa dagaal uu kasocday agagagaarka magaalada Dhuusa-Mareeb labadan dhraaroodba. Dagaalkaas oo ay iskaga soo hojeedaan Ururrada Xarakatul Mujaahidiin iyo Ahlu Sunna-Wal Jamaaca. Sida ay idaacadda BBC sheegtay waxay geeridu maraysaa tobaneeyo iyo dhaawac tiro badanba.

 

 

 

          Shacabka kunool magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa lasoo wariyey in ay billaabeen qax, iyagoo ka cararaya dhibaatada meesha ka socota.

          Dadka iyo dalka Soomaaliyeedba waxaa ka taagnaa dagaalallo lagu hoobtay oo socday muddo labaatan sannadood ah, taasoo siyaasiyiintoodu ku guuldarraysteen in lagu xalliyo kala duwanaanshahooda wadahadal.