| Doorashada Somaliland |
|
|
|
| Written by Mumin Warfaa |
| Thursday, 03 June 2010 22:56 |
|
Waxaa ka billowday dhulka Somalliland ololihii doorashada madaxtinimada waddankaas oo laqaban doono 26June.
Doorashadaasi waxaa ku loolamaya saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Udub oo ah xisbiga hadda talada haya. Waddamada iyo dhammaanba inta danaysa arrimaha Somaliland waxay sugayaan bal halka ay ku dambayso doorashadaas lagu qabanayo dal Afrika kuyaal isla markaasna aanan weli aqoonsi buuxda helin. Sida dhabta ah, ma aha markii ugu horraysay ee lagu qabto tartankan oo kale. Loolannadii kan kahorreeyey waxay ku dhammaadeen si nabadgelyo ah iyo natiijadii kasoo baxday oo ay wada aqbaleen Xisbiyadii kuwada tartamayey. Dalka iyo dadka Somaliland oo leh cadaw badan oo lajecel inay fashilmaan baa waxaad moodaa in shacabkiisu doonayo inay tusaan miraha isku duubnida ay leedahay iyo bisaylkooda siyaasadeed. Waxaan u rajaynaynaa dhammaan dadyoowga Somaliland inay si nabadgelyo ah ugusoo gaba-gaboowdo doorashada. Waxaan leenahay ha isku jabinina kuwa idinla jecel inaad kuftaan.
Guul iyo Baraare ayaan u rajaynaynaa reer Somaliland.
Qore:C/Cali
|





