M.Cali Samatar: Samadiidoow Dabin baa kuu dhigan lagugu dili doonoo’oo PDF Print E-mail
Saturday, 05 June 2010 16:51

Maxkamad ku taal waddanka Maraykanka ayaa oggolaatay in wixii dacwad ah ee loohaysto General Maxaxamed Cali Samatar lagusoo oogi karo wixii hadda ka dambeeya.  Maxkamaddu waxay ka qaaday Generaalka gabbaadkii siyaasadeed ee uu ku haystay carriga Maraykanka.

Maxamed Cali Samatar wuxuu kamid ahaa saraakiishii (GSK) ee hoggaaminaysay kacaankii 21ka Oktoobar ee baa- bi’iyey dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed.  Generaalku wuxuu kasoo qabtay dawladdaas jagooyin badan oo ay ka mid yihiin: Wasiirka Gaashaandhigga iyo Madaxweyne ku-Xigeen

Talo xumidoodii Golihii Baaba’a, waata maanta Ummaddii Somaliyeed u loogan cadawgoodii, rajadoodana Alle uun ogyahay waxay ku dambayn.   Cali Samatar oo kaliya kama noola kuwii tacaddiyada u gaystay shacabkii Soomaaliyeed xilligii Tawraddii Barakaysnayd (Tawraddii Balaayada Siday,) ee waxaa jira kuwo badan oo kale oo qaxooti ku ah hareeraha caalamka, gaar ahaan waddamada reer Galbeedka.

Waxaan rajaynaynaa inay soo baxdo hay’adda raadisa dambiilayaashii Naasiyiintii Hitler kaharay mid lamid ah, oo baadi goobta wixii kanool dhiigyacabkii Maxamed Siyaad Barre Taliskiisii, iyo weliba  kuwan kadambeeyey ee haddaba xasuuqa kawada Soomaaliya, horgaysana maxkamad caalami ah.

         

Qore:   Jibriil Aw Jaamac.

Ogaysiin: Qoraalkan Masuuliyaddeeda waxaa xaambaaraya qoraaga, Washaqase wuu kamadax bannaanyahay.

 

 

Last Updated on Sunday, 06 June 2010 14:03